Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya & Ajande lagu soo kordhiyay {AKHRISO}

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 31/3/2021 ay yeeshaan kulan xasaasi ah, kaa soo looga hadli doono saddex Ajande.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha looga hadlayo ay kala yihiin, Cudurka Covid19, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo u Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Kulanka Maanta oo Golaha Shacabka ayaa baaqday Insiintii todobaadkaan, waxaana lagu soo kordhiyay Ajandaha Qaxootiga Qaranka, iyada oo Xildhibaannada qaarkood ay sheegeen in Kulanka Maanta uu ku hoos qarsan yahay qorsho muddo kororsi ah.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah 15-kii Xildhibaan oo Guddoonka Golaha Shacabka ay ka mamnuucen inay ka qeyb galan 5 Kulan ayaa sheegay in Kulanka Maanta ay tagayaan, isla markaana wixii dhibato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
In kastoo dhowr Ajande la sheegay in looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa hadana Xildhibaannada qaarkood waxaa ay sheegayaan in Madaxtooyada qorsheysay in muddo kororsi la sameeyo.
Baraha Koontorool ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya ammaankooda ayaa aad loo adkeeyay maadaama Xarunta shirarka Xildhibaannada ee Villa Hargeysa ay ku taalo Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com