Golaha shacabka oo maalinta Berri ah la horgeeyn doono Golaha wasiirada Cusub

Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamanaka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee cod u qaadista kalsooni siinta golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda, si dalku u yeesho Xukuumad Sharciyad buuxda u haysata howlaha fulinta.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti iyo waayo aragnimo, isagoo xildhibaanada golaha shacabka si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday in ay ansixiyaan golaha si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com