Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maalinta berri ah Codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, ayaa si rasmiya loogu shaaciyay in Ajandaha Fadhiga Baarlamanka ee Sabtida berriya, uu yahay Kalsooni-siinta Xukuumadda cusub.
“Beri oo Sabti ah Tar 24 Oct, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka BJFS Agendaha Waa; uCodeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda” ayaa lagu yiri Qoraalka.
R’iisul wasaare Rooble, ayaa 19-kii bishan October soo magacaabay Golihiisa wasiirada cusub, kuwaas oo u badan Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Khayre.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com