Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in wixii ka bilowda 8 February 2021 aanay Madaxweyne Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhiso Gole Qaran oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya , madaxda Dowlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Ururada Bulshada rayidka ah .
“Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi”ayaa lagu yiri war saxafadeedka.
Sidoo kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadayu soo jeediyay inuu dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay Madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo.
Hoos ka Akhriso War saxafadeedka Midowga Musharixiinta :
.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com