Golaha Midowga musharixiinta oo ku Eedeeyay Dawlada Federaaka Xiisadaha Colaadeed ee ka Tagaan goboka Hiiraan

Golaha Midowga musharixiinta Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxaa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan xasilooni darrada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabad-sugida Qaranka.
Qoraaka Musharixiinta oo Xalay la soo saaray ayaa waxaa ku qornaa qodobadaan:
” In leyska horkeeno dadka iyo Qabaa’ilka walaaha ee wadda-degga dowlad gobolleedka Hirshabeelle, waxey lid ku tahay Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya” ayaa lagu sheegay qoraalka.
Goaha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dadaal kasta oo lagu xalinayo soo afjarida khilaafka siyaasadeed ee hadda taaggan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com