Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.
Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.
Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogolaatay 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar sidaas ayaa xeerka lagu Ansixiyay