Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeelanaya Xaalada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu kulan ka yeesho siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, kadib rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad ku aaddan marxaladihii u dambeeyay ee dalka ka jeedin doona kulanka.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo shalay kulan la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka.

Hase,ahaatee Midowga Musharixinta ayaa warqad  Cabasho ah u Gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay tasi oo ay ka cabanayaan hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com