Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waqtiga u koordhiyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya
Shir jimcihii shalay ay yeesheen golaha ayaa muddo kordhin loogu sameyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhammaadka sanadka 2021.
Sidoo kale, golaha waxay sheegeen in mas’uuliyadda amniga dalka AMISOM ay kala wareegi doonaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya 2023.
Sidoo kale, golaha ammaanka waxay madaxda Soomaalida ugu baaqeen in ay qabtaan doorasho xaq iyo caddaalad ah iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September sanadkii hore 2020.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com