Golaha Amaanka oo kordhiyay Cuna qabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lasoo rogay bishii Janaayo ee sanadkii 1992-dii xiligaas oo ay dalka Soomaaliya ka dheceen dagaallo sokeeye.

Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, qaasatan xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

golaha Amaanka Qaramada midoobay ayaa sidoo kale sheegay in ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

golaha ayaa Farta ku fiiqay in weli dhaq-dhaqaaqa Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ay ku sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya.

Qaraarkan uu gaaray golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada hantida guud ee Soomaaliya.

golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqay dowladda federaalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com