Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo shir gaar ‘ ah ka yeeshay xaalada Soomaaliya

Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa ku Taliyay  in dib loogu noqdo  wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday xarunta Afisyooni.

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa shalay kulan gaar ah oo Irdaha  u xiran yihiin ka yeeshay  xaalada  siyaasadeed ee  Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya u muddo laba sano ah u kordhiyay hay’adaha Dawlada Federaalka ee waqtiga uu ka dhammaaday .

Shirka Golaha Amniga, ayaa sidoo kale warbixin la xiriirta xaaladda Soomaaliya looga dhegaystay  Danjiraha  Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan.

Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay in aysan taageri doonin mudda kororsi, doorasho aan loo dhammayn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo khalalaase siyaasadeed oo colaad dhalin kara.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com