Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeelanaya Xaalada Soomaaliya

Golaha Amaanka  ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan ay kaga hadlayan xaalada siyasadeed ee Soomaaliya .
Kulankan ayaa lagu soo waramaya in uu yimid ka dib markii  Dawlada Boqortooyada Midowday ee UK   oo ka mid ah Dawladaha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya codsi ay u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si wax looga qabto Marxalada Siyaasadeed ee dalka iyo in laga hortago dagaalo u dhexeya dhinacyada Soomalida ee Siyaasada Dalka Soomaaliya isku haaya .

Kulanka Golaha Amanka ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay ay si rasmi ah u dhammaatay muddo xileedka Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo islamarkaana mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay in uu qabto doorasho.

Dawlada Uk ayaa ka cabsi qabto in Dalka Soomaaliya uu ka dhaco qalalaase siyaasadeed oo saameeyn ku yaalan kara Geedi socodka Nabada iyo Hormarka laga gaaray xal u helista dhibaatooyinkii ragaadiyay Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com