Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg-deg ah ka yeelanaya  xaaladda Soomaaliya oo ku jirto marxalad kala guur ah looona diyaar garoobayo doorashooyin.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa dhacaya gelinka dambe ee maanta sida uu qorshuhu yahay, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha saaxiibada Soomaaliya ee daneeya. Soomaaliya

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka Golaha Ammaanka ayaaa si gaar ah u uga doodi doono sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka.

Waxa kale oo ay eegi doonaan shirka Dhuusmaareeb 3 oo ay ballantu tahay in looga hadlo  nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa,

Kulanka golaha Amaanka ay ka yeelanayaan Arimaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo shirka Dhusamareeb 3 ay ku kulan wan yihiin madaxda dawlada iyo kuwa maamul goboleedyada kana doodayo doorashada dalka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa in kastoo kulankaas ay ka maqan yihiin madaxda maamulada puntland iyo Jubland

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com