Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar oo dayactir lagu sameynaayo

Ciidadamada  Burundi oo qayb ka ah Ciidanka AMISOM ayaa dhamaystiray dayactirka Run wayga  diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

AMISOM ayaa dib u dayactir ku samaysay 3km oo dherer ah iyo 30 mitir oo ballac ah kana tirsan gigida diyaaradaha ee magaalada Jowhar. kaas oo iminka ah mid la jaanqaadi kara garoomada waaweyn.

Dib u dayactirka  garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ayaa suurtagelinaya in diyaaradaha waaweyn ay soo caga dhigan karaan, kaas oo qayb ka noqon doona kororka dhaqaale ee gobolka iyo isu socodka guud ee dalka Soomaaliya iyo caalamka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa waxaa horay u adeegsan jiray oo kaliya diyaaradaha nooca Antonov C-130 oo qaadi kara xamuul gaaraya 20 ton , balse dayactirka haatan lagu sameeyay ayaa suurto gal ka dhigaya inay ku degaan diyaaradaha waaweyn, sida ay sheegeen qaar ka mid ah khubarada garoomada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com