Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee xarunat gobolka hiiraan xirmay.

Waxaa maanta gebi ahaan xiran oo aan Shaqeeyneyn Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii saacadihii la soo dhaafay uu Roob xoogan ka day Magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ayaa waxaa ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in Rakaabkii Maanta soo aadi lahaa Muqdisho iyo kuwa ka imaanayey Beledweyne ay maanta hakadeen sababo la xiriira Roobka.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Roobka oo aad u xooganaa uu biyo farabadan dhigay Dhabbaha ay diyaaradaha ku degaan iyo inta badan Xaafadaha magalada Baladweyne iyo deegaannada ku dhow dhow.

Sanad kasta markii uu roobka ka da’o deegaannada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xirma Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Baladweyne,waxaana saameyn uu ku yeeshaa dadka doonaya inay tagaan Baladweyne ama kasoo baxaan kuwaas uu dib uga dhaca inta uu garoonka qalalayo.

Sidoo kale waxaa jira Garoomo ku yaal Gobolka Hiiraan oo markii uu Roobka da’o Shaqadooda istaagto kadib markii uu saameyn ku yeesho roobka, iyada oo Madaxda Hir-Shabeelle aysan ku guuleysan inay waxka qabtaan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com