Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

Magaalada Derban ee dalka koonfur Afrika ayaa waxaa  lagu dilay ganacsade  lagu  magacaabi jiray Maxamed Dheere.

Dilka Marxuumka ayaa waxaa geystay kooxo burcad koofur Afrikaan ah oo hubeysan kuwaas oo doonayay in ay dhac u geystaan xaruun ganacsi oo ku lahaa magaalada Derban waxaana u suura gashay kooxda in ay ka baxsadaan goobta dilka ka dib.

Dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika ayaa mudooyinkii dambe ku sii kordhay dalkasi .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com