Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay koofur Afrika

Wararka ka imaanaya Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya kooxo burcad ah ay ku dileen Magaalada Cape Town Mawaadhin Soomaali ah kana mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Burcada ayaa weerartay muwaadinkaasi Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Cabdi raxmaan Macalin Cali  xilli uu ku sugnaa Goobtiisa Shaqo  oo ku taalla Magalada Cape town.

Xubo ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa xaqiijiyay dilkaas,waxaana ay sheegeen in burcadii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.

Wadanka  Koonfur Afrika ayaa Bishaan Juun waxaa lagu dilay qofkii Afaraad oo Soomaali ah,waxaana todobaadkii la soo dhaafay dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed Xasan.