Ganacsade Soomaali ah oo la waayay oo meydkiisii la helay

Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13 bishan, ayaa xaqiijiyey in maydkiisii laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km.
Waxay intaa ku dareen in meydaka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah ka dibna la geeyey qolka maydka ee magaaladaas Mwea, waxaanay sheegeen in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jidh dil ah.
Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya.
Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaaddo ah la la’aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, balse waxaa maalmo yar kaddib waayitaankiisii duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan ayaa jirey da’aadda 35 sano jir.
Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya.
Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale.

“Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi.
Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka.
Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com