Galmudug oo Xukun ku riday Kalluumeysato Ajnabi ah

Maxkamadda gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, ayaa ganaaxoo gaaraya   700 boqol oo doolar ah ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay xeebta u dhaxeeya Xarardheere iyo Hobyo.

Galmudug ayaa Sidoo kale waxaa la wareegtay doontii iyo qalabkii ay wateen, kalluumeysatadaan ayaa kasoo jeeda dalka Yemen.

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux 8 ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamadda gobolka Mudug.

Ciidamada amniga Galmudug ee ka Hawlgala xeebaha Hobyo iyo Xarardheere ayaa sedex cisho ka hor gacanta ku soo dhigayDadkaasi Ajnbiga ah  kadib Howlgalo isdaba joog ah oo ay ka wadeen xeebaha Galmudug gaar ahaa Degmada Hobyo iyo deegannada ka agdhow.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com