Galmudug oo maanta laga Ciiday Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee dalka dalka ay maanta u tahay maalinta Koowaad ciidul adxa islamarkaana laga ciidayo .

Degmooyinka gobolka Galgaduud ee maanta laga ciidaayo  maalinta Koowaad  ee Munaasabada Ciidul Adxaa Waxaa ka mid ah  Dhuusamareeb , Guriceel ,  Qeybo ka tirsan degmada Caabudwaaq iyo degaano kale oo ka tirsan Galgaduud.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa maanta u dabaal degay maalinta koowaad ee Ciida Carafo iyagoo Halbalyo Hawada usu mariyay .

Sidoo kale , degmada Warrsheekh ee gobolka shabeelaha dhexe iyo degaano hoostaga ayaa maanta laga ciiday Maalinkoowaad ee Ciidul Adxaa .

Hase ahaatee ‘ magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo ka tirsan gobolada dalka ayaa maanta ay u tahay maalintii labaad ee munaasabada Ciida Carafo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com