Galmudug oo faah faahisay khasaaraha ka dhashay qaraxa Gaalkacyo

Qaraxa oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu ka dhex-dhacay mooto Bajaaj ay saarnaayeen rag la sheegay inay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, xilli ay marayeen agagaarka Hotelka AMBAS dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriya Isxal oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Darawalkii Moorto Bajaajta iyo Nin kale oo la saarnaa, isla markaana wax khasaaro ah kasoo gaarain dad Shacab ah.

Sidoo kale waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray in ragga qaraxa ku dhintay ay doonayeen inay dhibateeyaan Shacabka Gaalkacyo, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay Ciidamada la Shaqeeyaan si naftooda loo badbaadiyo.
Dhinaca kale Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen ragga qaraxada uu ku xirnaa, sidoo kalena ay hatan wadaan baritano la xiriira halka laga soo abaabulay qaraxa.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jer ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ahaa, kuwaaso oo qaarkood lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com