Galmudug oo faah faahisay dilka dad isku qoys ah

Xilli xalay deegaanka Saax- Qurun ee Gobolka Mudug ay rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay halkaasi ku dileen dad isku qoys ahaa ayaa waxaa falkaasi ka hadlay dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa sheegay in qoyska oo ahaa Xooolo dhaqato lagu soo weeraray Gurigooda, isla markaana halkaasi lagu dilay Abe iyo laba caruur ah uu dhalay halka uu dhaawac culus soo gaaray hooyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in falkaasi ay la xiriirinayaan aanooyin qabiil oo kajiray degaano ku yaal Galbeedka Magaalada Galkacyo, isla markaana Galmudug ay ku raad joogto dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa labadii sano ee la soo dhaafay kusoo batay degaannada Galmudug, iyada oo Madazda Maamulkaas ay ku fashilmeen inay waxka qabtaan.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com