Galmudug oo Ciidamo kala dhexdhigeysa maleeshiyo ku dagaalantay Gobbolka galgaduud

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xabad joojin ugu baaqay labo Maleeshiyo beleed oo ku dagaalamayay inta u dhaxaysa Balanballe iyo Guriceel oo ay dad badan ku dhinteen.
waxa uu shegay sidokale in Galmudug ay isugu geyn doonto awoodeeda sidii loo joojin lahaa dagaalka maalmahan ka socday degaanadasi

Wasiir Falagle ayaa sidokale tilmaamay in maamulka Galmudug oo uu ciidmada kala dhaxgala kooxaha maleeshidaka ah u diray degaanada ay dirirtu ka socoto, isagona sheegay in dowlada Galmudug ay gacan bir ah ku qaban doonto kooxaha marwalaba deganaada ka abaabulo dagaalada labada maleeshiya beleed u dhaxeeyo.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay hayd markii dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah laba maleeshiyo beleed ku dhaxmaray degaanka kaxandhaale oo u dhow degamada Balanbale ee Gobolaka Galgaduud

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com