gacan ka hadal dhexmaray Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulan ay lahaayeen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland .

Xubnaha Mucaaradka iyo muxaafad ayaa la sheegay markii uu kulanka u furmay khilaaf uu soo kala dhexgalay
Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa kulanka isaga baxay, waxaana taasi ay keentay in ay is gacanta isu qaadaan mucaaradka iyo muxaafadka

Muuqaalo laga soo qaaday xarunta baarlamanka Somaliland ayaa muujinaya in laba xubnood oo ka tirsan Golaha wakiilada Soomaliland ay is gacan qaadeen.

Hay’adaha ammaanka Soomaliland ayaa markii dambe kala dhex galay ,waxana ay ku guuleysteen in ay xaliyan dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex-maray xubnaha Golaha wakiilada Somaliland xildhibaanada.

Sidoo kale wararka ayaa ayaa sheegaya , in uu dib u furmay furmay kulanka golaha wakiilada Somaliland.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga akhrinayay xeerka uu dib u soo celiyey madaxwayne Muuse Biixi, kaas oo muran ka dhex-dheliyey mucaaradka iyo muxaafadka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com