Gabar dhalinyaro ahayd oo caawa lagu dilay Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in caweyskii caawa lagu dilay magaaladaasi gabar dhalinyaro ahayd, ka dib markii ay haleeshay rasaas ay furayn ciidamada.

Tani ayaa ka dambeysay markii bambo gacmeyd lagu tuuray hoyga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay rasaas furayn ilaalada hoyga Taliyaha Ciidanka Asluubta, isla-markaana ay rasaastaasi haleeshay laba hablo oo xilligaasi agagaarka hoygaasi maraayay.

Gabdhahan oo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Guud ee Baydhabo ayaa waxaa dhaawacaasi ugu geeriyootay Hanaan Barre oo dadka deegaanka ka mid ahayd.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay in ay baxsadeen raggii bambada ku weeraray hoyga Taliyaha, oo ku yaala agagaarka Garoonka Kubbadda Cagta ee Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Isgoyska Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta ee Samafone.

Allaha u naxariistee Hanaan Barre ayaa wax-ka-baraneysay Jaamacadda Baidoa International University (BIU), iyadoona dhawaan u fariisatay imtixaankii ugu dambeeyay ee Jaamacadda.

Rasaasta ay ciidamada ammaanka furaan ayay xilliyada qaarkood waxyeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee ka ag-dhow.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com