Gaadiid farabadan oo ku xayiran deegaano ka tirsan Puntland

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka Magaaloouinka kala duwan ee Dolwad Goboleedka Puntland,kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay ka da’een Roobab daadad watay.

Wararka laga helayo deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in  togga degaankaas Daadad xooggan oo xalay ku soo rogmadeen,kuwaas oo hakiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Gaadiid fara badan oo ka yimid deegaannada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa la sheegay in uu ku xaniban yahay labada dhinac ee Togga deegaanka Ceeldaahir,waxaana Gaadiidkaas saaran dad farabadan iyo badeecooyin kala duwan.

Roobab mahiiggaan ah oo todobaadkan ka da’aya degaannada Puntland ayaa waxaa uu sababay inay kala xirmaan Magaalooyinka kala duwan ee puntland,waxaana dhubaatada ugu daran ee dhimashada sababtay ay ka dhacday Magaalada Khardho ee Gobolka Bari.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com