Fiqi oo ka hadlay ciidanka Madaxda D/Goboleedyada la tageen Dhuusamareeb

 

Wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in amniga magaalada Dhuusamareeb la adkeeyay isla markaana ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug xili ay caawa halkaas ku hoyanayaan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada

“Amniga boqolkiiba waa boqol, ciidammada ammaanka ee Galmudug, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed intuba waxay runtii ku dadaaleen inay iska xil saaraan howlaha amniga shirka wadatashiga ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka” ayuu yiri wasiirka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sababta madaxda dowlad goboleedyada uga ogolaadeen iney ilaalo hubeysan la yimaadaan magaalada Dhuusamareeb iyo  arrintaas loo fasiri karo in Galmudug ay amniga ku filnaan waayeen ayuu yiri:

“Shir kasta oo dhacaya Madaxweyneyaashu xitaa marka ay Xamar marka ay imaanayaan ciidammo gaar ah wey wadan jireen weyna qaadan jireen marka wax gaar ah in Madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida ka mid ah weeye, sidaas oo ay tahay Galmudug wey ku filantahay in guud ahaan ay amniga dhowrto” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.