Feysal cali waraabe: waan ka baxeynaa wada hadalada Soomaaliland ay la galayso soomaaliya

Faysal Cali waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland oo socdaal isaga iyo xubno kale ay ku joogaan Magaalada Neyroobi ‘ ayaa sheegay in ujeedada ay u joogaan neyroobi ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.
Faysal wuxuu kale oo uu sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland.
Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aysan faa’iido ugu jirin.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com