Feysal Cali Waraabe oo Magaalada Nairobi uga qayb galay shir looga hadlayay Doorashooyinka Soomaaliya

Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya waxaa ka dhacay Shir looga hadlay Doorashooyinka Soomaaliya, Waxaana ka Qayb galay Shirkan Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Beesha dir ay muujiso doorkeeda ku aadan doorashooyinka la filayo inay ka Qabsoomaan Dalka Soomaaliya.
“75 Xildhibaan bay nu leenahay, waa in aan ka muuqanno awood qaybsiga Soomaaliya, madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha dad baa qaata innala mid ah oo 4.5 innala ah, waa in aan doorkan xoojinno taas”.

“Hawiye Madaxwayne ayuu Qaatay, Daaroodkii Raysal wasaare, Digil iyo Mirifle wuxuu Qaatay Baarlamaankii, Maanta waxaanu jecelnahay inaynu Arintaasi Xooga saarno”. Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Shirkan waxaa sidoo kale kasoo dhexmuuqday Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhowaan iska dhex waayey Xuukuumadda Raysal wasaare Rooble.
Waxgaradka , Siyaasiyiin iyo Ganacsatada Beesha dir ayaa la sheegay inay Shirkan ka Qayb galeen, Waxaana sidoo kale laga soo saaray War-murtiyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com