Farmaajo oo saxiixay Sharciga muddo kordhinta ee Baarlamaanka ansixiyeen

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ansixiyeen.
Xeerrkan ay Baarlamaanka anxiyeen ayaa waxaa siweyn uga soo horjestay musharixiinta mucaaradka, qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay ka fiirsanayaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Isniintii todobadkan markii ay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Xeerka jiheynta doorashooyinka ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu uga digay Beesha Caalamka inay faragelin ku sameeyaan Arrimaha Soomaaliya.
Xeerka ay ansixiyeen Golaha Shacabka Madaxweyne Farmaajana uu saxiixay ayaa waxaa kujira qodobo ay kamid yihiin in muddo laba sano gudahood ah in guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka inay ku qabtaan doorasho qof iyo Cod ah.
Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan dowladaha taageerada siiya Soomaaliya maadaama ay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kordhin, waxaana ay ku hanjabeen inay cunaqabateyn saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com