Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay 3da Maamul gobeeleed ee taageersan iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddaxilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com