Muddo bil ka badan ayaa laga joogaa markii baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre.
Kheyre oo xil ka qaadis lagu sameeyay ku tilmaamay shraci darro ayaaa sheegay inuu “iscasilay”, waxaase wali muddo bil ah ka dib ilaa iyo hadda aan lasoo magacaabin qofkii badeli lahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sii socoshada hawlaha xukuumadda u magacaabay Mahdi Guuleed oo hadda ah kusimaha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka, inkastoo isaga iyo gollaha wasiirada ay kamid ahaayeen xukuumadda uu baarlamaanka kalsoonida kala noqday.
Hasyeeshee mudadaas dad badan waxaa ay aad uga dhowrsugayeen shakhsiga loo magacaabi doono xilka, waxaana jira shakhsiyaad aad loo hadal hayay, balse hadda waxaa muuqata in magacaabista ay qaadatay mudo ka badan xilligii la filayay.
Inkastoo aysan jirin muddo cayiman oo dastuurka kumeel gaarka ah ku qoran, oo ay tahay in madaxweynaha uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaare, haddana dhaqanka siyaasadeed e soo jireenka waxaa uu ahaa in madaxweynaha uu muddo bil gudaheed ku magacaabo madaxa xukuumadda.
Taas ma aysan dhicin oo muddo ka badan bil ayaa hadda laga joogaa markii Kheyre la riday, waxaana dadka qaar ay isweydiinayaan sababta uu madaxweynaha usoo magacaabi la’ yahay wasiirka koowaad ee xukuumadda.
“Madaxweynaha waxaa ku ag hareereysan dad badan oo saaxiibadiis, xogaha hadda la haya waxaa kamid ah in dadkaas badan aysan isku aragti ka ahayn qofka la magacaabayo, waa qodob kamid ah waxyabaha dib u dhigaya magacaabista ra’iisul wasaaraha, waxaa kale oo jira in qabaa’ila badan ay daneynayaan xilkaas, madaxweynahana uu wadatashi ballaaran uu ka smaeynayo arrintaas.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in madaxweynaha uu damac siyaasadeed ku jiro, culeyska siyaasadeed ee uga imanaya mucaaradkana uu doonayo in uu isaga qanciyo, balse waxaa muuqata in aysan mucaaradka isku aragti ka ahayn arrimahaas.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo xallintooda ee salka ku haya doorashada soo socota ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay soo xulista ra’iisul wasaaraha xiga.
Inta badan sida la arkay sanadihii dambe waxaa xilliyada kala guurka is-qabta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xilka haya, maadaama sida dhacdaba shaksi walba laga yaabo in uu ku jiro damac siyaasadeed, waxaase Cabdullaahi uu aamnisan yahay in magacabaida ra’iisul wasaarahana aysan arrintaas ka marneyn.
“Ra’iisul wasaaraha iman doonaa waxaa laga yaabaa in madaxweynaha uu ka fikirayo in uu helo ra’iisul wasaare uusan damac doorasho ku jirin, kana shaqeeya sidii uu madaxweynaha usoo laaban lahaa, maadaama madaxweynaha uu ku jira damac siyaasadeed ah o ah in dib loo soo dorto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu wadahadal Dhusamareeb uga socday qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kuwaas oo isku waafaqay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaase qoddobadii kasoo baxay ka biya diiday maamulada Puntland iyo Jubaland oo aanan ka qeybgelin shirkaas.
Madaxda labadan maamul ee Puntland iyo Jubaland oo ku shiray Garoowe ayaa sheegay inay tagayaan Muqdisho, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, waxaase dadka darsa arrimaha siyaasadda ay aaminsan yihiin in dhameystirka heshiiska doorashada ay qeyb ka tahay magacaabista ra’iisul wasaaraha.
Xigasho BBC