Farmaajo oo gaaray Teendhada Afisiyooni & Madaxda kale oo ku wajahan

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Xarunta Teendhada Afisiiyooni, halkaas oo lagu wado in uu shir uga furmo Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.
Shirka oo ay qaban qaabadeeda leedahay Beesha Caalamka ayaa ah mid aan rasmi aheyn, waxana looga hadlayaa sidii looga hehsiin lahaa Ajandaha uu ku furmayo shirweynaha wadatashiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafka qaar kamid ah Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ka dhex-jira.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha ka socotay dhanka Puntlaand iyo Jubbaland ay tegeen Teendhada si ay u hubiyaan fulinta heshiiska amni ee xalay wada gaaray xalay.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay sugayaan amniga Goobta uu shirka ka dhacayo, kadib markii ay horay u dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com