Fariinta Horjooge Diiriye “Kaalay aan ku dilee, isqarxi aan ku baree oo dhis aan dumiyee”

Maalmo ka hor ayay Argagixisada Alshabaab baahisay Cod soconayay muddo 20 Daqiiqo ah oo ay ku sheegeen in uu yahay Horjoogahooda Dhuumaalaysiga ku nool ee Axmed Diiriye inkasta oo aanay jirin cid iyaga ka baxsan oo xaqiijisay sax ahaanshaha in uu yahay isaga Qofka Hadlaya.

Ha noqdo isaga ama mid ay u ekaysiiyeen kii uu doonee waxaa hubaal ah in ay ahayd Fariinta rasmiga ah ee Kooxda maadaama lagu baahiyay Baraha ay isticmaalaan.

Fariintaan oo u muuqatay mid loosoo diyaariyay oo meel laga aqrinayay waxa ay xambaarsanayd dhawr arrimood oo leh amakaag una baahan isdultaagis marka laga reebo isticmaalka erayada ku celceliska ah ee Horjoogayaasha kooxdu isaga daydaan ee badanaa ah is tustus ku socda Dhalinyarada ay marinhabaabiyeen loogana dayday Argagixisada caalamiga ah ee ku talaalan dhiigga sharwadayaasha qaloocday.

Qormadaan waxaan ku eegayaa Sadex fariimood oo horjoogahu ukala Diray, Qurba joogta, Maalgashadayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed kuwaas oo ahaa kaliya waxa ku cusbaa fariintaan marka la barbardhigo kuwii horay ay usoo dirijireen oo malaha ah erayo Isticmaalkooda laga soo yeeriyo dibadda Ruqsadna aanay kooxdu u haysan in ay wax ka badasho.

Sababta aan u xushay Sadexda Sheeko waa in aan isbarbardhig ku sameeyo Hadalka Horjoogaha iyo Ficilka Maleeshiyaadkiisa, kuwaas oo aan isqabbadsiintooda udaynayo Aqristayaasha marka ay sheekada ka bogtaan ka dib.

“Kaalay aan ku dilee”

Horjooguhu wuxuu ugu baaqayaa Qurba-joogta Soomaaaliyeed in ay Dalkooda kusoo laabtaan!!

Markaa iswaydiintu waxeey tahay muxuu ugu yeerayaa Qurba-joogta oo ku jira isaga gacantiisa?

Ma geeri mise Nolol?

Ma in ay kooxdiisa ku biiraan mise in ay Dalkooda xorriyad ku joogaan?

Jawaabtu dhankayga ma adka oo isla Kooxda Diiriye ayaa horay uga jawaabtay Ficil ahaan, markasta oo qawl iyo ficil kulmaanna qawlka ayaa qaadashada leh.

Baaqiisu waa kaaalay aan ku dilee waana sida Kooxdu marar badan samaysay oo wadar iyo fardiba ugu laysay Muwaadiniin badan oo Dalkooda usoo hiloobay kuwaas oo aan magacyadooda lagu koobikarin halkaan qaarkoodna reebeen xusuus Murugo sida tii Kismaayo oo amarka Horjooge Diiriye lagu xasuuqay Qurbajoog aan ka xusukaro Hodan Naaleeye iyo Saygeedii, Mahad Dirir iyo Walaalo la mid ah waana taas sababta aan Fariintaas ugu qaatay”kaalay aan ku dilee”