Fanaan Abdi dhaanto oo xoriyadiisa dib u helay.

Muqdisho,Fanaan Abdi dhaanto oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa mudo kadib xoriyadiisa dib u helay.

Fanaanka oo caawa la hadlay Idaacada Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in uu haatan xor yahay isla markaana xabsiga laga sii daayay.

“haatan xor baan ahay maxkamada gobolka ayaa cafis uu fidisay la igu sii daayay”ayuu yiri abdi dhaanto.

Abdi dhaanto ayaa tilmaamay in xarigiisa ay timid kadib markii laga soo wacay saldhiga degmada hodon laguna wargaliyay in dacwo ka taal,

“saldhiga degmada Hodon ayaa la iga soo wacay iyada oo la igu wargaliyay in dacwad iga taal loona baahan yahay in dhaqsi ku yimaad markii aan tagay la iima sheegin wax xarig ah kadib qol yar oo saldhiga ku yaal ayaa la igu xiray saacado kadibna waxaa qolkii la iigu keenay nin ii sheegay in qof uu soo dilay loo soo xiray”ayuu yiri Abdi dhaanto.

Fanaanka ayaa wax faah faahin ah ka bixin waxa dacwad ahaan lagu heystay balse tilmaamay in haatan arimahaas la xaliyay cafisna lagu sii daayay.

Abdi dhaanto ayaa ah fanaan baraha bulshada mar walbaa uu isticmaalo doodo badan ka timaad.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com