faa’iido soonka bisha Ramadan{faallo}

Muslimiinta caalamka oo dhan waxay maalmaha soo socda billaabi doonaan soonka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa waajid diini ah oo laga doonayo qof kastoo qaangaar ah oo caafimaad qaba.
Soonka wuxuu jirka ka saaraa maadooyiinka kiimikada ah ee suntan leh ama keena xannuunada qaar, wuxuuna yareeyaa sokorta jidhka iyo dufanka jidhka.
Haddaba halkan ka akhriso 10 arrimood oo cajiib ah oo laga helo soonka:
1- Soonka wuxuu jirka ka saaraa maadooyiin sun ah
Cuntooyiinka la dubay sida tootiga, keega iyo biizaha eek a mid ah cuntooyiinka fudud, waxaa lagu daraa maadooyiin badan.
Maadooyiinkaas waxay mararka qaar noqon karaan wax sun ku noqda jirka. Qaar ka mid ah waxay sababaan sokor ama dufin badan.
Inta badan waxa suntan oo kale ah ee jirka ku dhasha waxay dhexgalaan dufanka ama saliidda jirka. Haddaba soonka wuxuu gubaa dufankaas, gaar ahaan marka la soomayo maalmo badan.
Taa waxay sababeysaa in suntaas ay ka baxdo jirka. Kelyaha ama beerka iyo xubnaha kale ayaa noqonaya kuwo nadiif ah, sida lagu xusay cilmi baaris.
2- Soonka wuxuu nasiyaa hannaanka dheef-shiidka
Inta lagu jiro bisha Ramadaan, xubnaha ka shaqeeya shiididda cuntooyiinka way nastaan – Waa haddii aan afurka iyo suxuurta la iska badinin.
Shaqooyiinka qeybaha kale ee jirka sidooda ayey u sii socdaan, hannaanka dheef-shiidkana wuxuu soo saaraa dheecaanno, balse waxaa yaraanaya tiradii uu soo saarayay.
Soonka wuxuu caawinayaa in jirka uu si dheelli tiran u qeybsado dheecaanka iyo dareeraha kale. Taas na waxay sababeysaa in habka shiididda cuntooyiinka in si wanaagsan ay u socdaan.
Balse Soonka ma joojinayo in caloosha ay soo saarto aasidka. Waana sababta ay dhaqaatiirta ula taliyaan dadka qaba gaaska caloosha in ay taxaddaraan, dawooyiinna qaataan.
3- Soonka wuxuu xal u yahay caabuqyada ama falcelinta jirka ee xanuunka ah
Cilmi baarisyo ayaa lagu muujiyay in soonka uu dawo u yahay xannuunada ka dhasha falcelinta jirka iyo xasaasiyadda.
Tusaale waxaa u ah falcelintaas, xanuunnada maqaarka ku dhaca iyo finanka soo baxa iyo xanuunada kala-goysyada iyo murqaha.
Sidoo kale, khubarada qaar waxay sheegeen in soonka uu u fiican yahay xanuunada caloosha sida nabarada caloosha.
4- Soonka wuxuu yareeyaa sokorta ku jirta dhiigga
Soonka wuxuu kordhigaa qaabka ay u baabe’eyso glucose-ta dhiigga, si jirkaaga uu u yeesho awood. Waxaana yaraato soo saaridda insulin-ta. Taas waxay faa’iido wayn u tahay xameetida.
Haddaba natiijada soonka waa in ay aad u yaraato sokorta dhiigga, taas oo faa’iido wayn leh, gaar ahaan bukaannada qaba xanuunka sokorta ama macaanka.
5- Soonka wuxuu kordhiyaa awoodda baabi’inta dufanka
Marka keyga glucose-ta ay dhammaato, jirka wuxuu billaabaa in uu soo saaro dufanka oo uu baabi’iyo – wuxuuna ka qaataa awood dheeraad ah.
Si gaar ah, dufinta ku keydsan kelyaha iyo murqaha ayuu jirka u bedelaa awood, si gaajada uu isaga celiyo.
6- Soonka wuxuu hagaajiyaa dhiig-karka
Soonka waa mid ka mid ah qaababka lagu yareeyo dhiig-karka. Wuxuu si gaar ah u caawinayaa dadka wadna-xanuunka qaba, maadaama uu hoos u dhigayo halistadhibaatada loo garanayo atherosclerosis.
Atherosclerosis waa dhibaato ka dhalata in xinjiro ay xiraan halbowleyaasha dhiigga qaada. Inta la sooman yahay, dufankaas wuxuu isu bedelaa awood jirka uu qaato.
Sidoo kale hoormoonnada cabsida iyo is difaaca sida adrenaline iyo noradrenaline ayaa sidoo kale yaraada. Taas waxay keeneysaa in jirka uu si xadidan oo fiican u shaqeeyo. Faa’iidadana waa in dhiigga uusan kicin.
7- Ka fogaanshaha dhaqamada iyo dabeecadaha xun
Ramadaanka wuxuu qofka iska dayn karaa dhaqamada qaar ee aan wanaagsanayn, wuxuuna yeelan karaa kuwa fiican oo anfaca aduun iyo aakhiro – Xuquuqda sawirka: UNSPLASH
Ramadan waa xilliga ugu wanaagsan ee qofka uu iska joojin karo dabeecadaha qaar ee xun ee dhibka ku ah isaga iyo bulshadaba, maadaama maalinta oo dhan uu qofka sooman yahay.
Waxaa dhaqamada aan wanaagsanayn ee caafimaadka u daran ka mid ah cunidda cuntooyiinka sokorta badan leh iyo sigaarka. Inta soonka lagu jiro, haddii qofka uu iska ilaliyo, waxay ta aka caawineysaa in ramadanka ka dibna uusan u dhowaan.
Sidoo kale waxaa aad u wanaagsan in si koox ah la isugu tago oo la isaga jaro dabeecadaha ama dhaqamada aan wanaagsaneyn.
Qiimeyn la sameeyay waxaa lagu ogaaday in soonka uu kaalin wayn ka qaato in la joojiyo dhaqamo xun, waana sida ay Hay’adda adeegga caafimaadka UK ay ku talineyso in sigaarka la isaga jaro.
8- Soonka wuxuu dhiirageliyaa in la cuno raashiinka caafimaadka leh
Dhibaatooyiinka ugu waaweyn ee cuntada dufanka badan leh waa in si kastoo isu caateyso, aysan suuragal ahayn in culeyska uu yaraado. Mararka qaar waxaadba ka sii qaadeysaa cayil.
Xilliga bisha barakeysan ee Ramadaanka, sidaa ma ahan – balse waa in afurka iyo suxuurta la wanaajiyo oo la iska ilaaliyo cuntooyiinka dufanka badan leh oo xanuun keeni kara.
Yareynta qiyaasta cuntada ee la cuno, inta lagu jiro Ramadaanka, waxaa ka dhasho in caloosha ay yaraato – micnaha wuxuu yahay in la cuno cunto yar si gaajada uun la isaga celiyo.
Sidoo kale, waa in soonka inta lagu jiro aad iska dayso cuntooyiinka aadka loo dubay ama la warshadeeyay. Taa waxay kaa caawineysaa in aad joojiso in aad raadiso oo ku malafsato cuntooyiinkaas.
Baro sida loo cuno khudaarta iyo cabitaanka biyaha. Waa qaabka uu soonka u dhiirageliyo hab nololeed wanaagsan oo caafimaad leh.
9- Wuxuu soonka yareeyaa kolestaroolka
Koox ka mid ah dhakhaatiirta Wadnaha ee Imaaraatka carabta ayaa ogaaday in dadka sooma ay ku naaloodaan farxad, maadaama dufanka jirkooda uu yaraado.
Taa micneheedu wuxuu yahay in saliidda kalestaroolka jirka ay aad u yaraato. Arrintaa waxaa ka dhasho caafimaad wanaagsan oo wadnaha ah, waxayna fursad siineysaa ka hortagga wadna-xanuunka.
Faa’iidada aadka u badan waxa ay tahay in ramadaanka ka dib aan la joojinin soonka sunnada ah, taas oo fududeyneysa xakameynta saliidda jirka.
10- Soonka wuxuu xoojiyaa maskaxda
Shaki kuma jiro in faa’idooyiinka iyo saameynta wanaagsan ee soonka ay ka mid tahay caafimaadka maskaxda iyo dhimirka iyo cibaadada wanaagsan.
Waa arrin aan caadi ahayn oo aad muhiim u ah in soonka uu kordhiyo awoodda maskaxda.
Cilmi baaris ay sameeyeen Seynisyahanno mareykan ah waxay ku ogaadeen in caafimaadka maskaxda uu kordho inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Waxaa kordha heerka qaadashada ama shaqeynta neurotrophic, taas oo sababta in jirka uu soo saaro unugyo badan oo maskaxda u wanaagsan, taasna waxay kordhiseysaa shaqada maskaxda.
Sidoo kale, xilliga bisha ramadaan waxaa aad u yaraada walwalka iyo walbahaarka. Sidoo kale waxaa meesha ka baxa cabsida ku saabsan gaajada.
Marka laga soo tago in Suxuurtu ay tahay sunno uu nagula dardaarmay nabigeenna Muxammad NNKH, waxay wadataa faa’iidooyin caafimaad.
Dhakhaatiirta iyo kubarada seyniska waxay horay isugu raaceen in quraacdu ay tahay cuntada ugu muhiimsan ee la qaato maalintii.
Haddaba inta lagu guda jiro bisha Ramadan, Suxuurta ayaa ah quraacda.
Inkastoo dad badan ay Suxuurta uga tagaan si aysan hurdada uga qasmin, waxaa kuu fiican in aadan seegin.
In suxuurta laga tago waxay sababaysaa in uu dheeraado waqtiga aad baahnaaneyso oo jirkaaguna uu tamar ka raadinayo cuntadii kasii horreysay. Daal badan iyo nafaqo darro ayaad ka dhaxli kartaa arrintaas.
Sidoo kale inaad Suxuurta ka tagto waxay horseedeysaa inaad cuntada iska badiso xilliga afurka, taasoo keenta caafimaad darro.
2- Ha iska badinin raashinka Afurka
Isla sida aysan u habbooneyn in la iska dhaafo Suxuurta ayaysan u habbooneyn in raashin badan la cuno xilliga afurka, waxaana taas kaasoo gaari karta waxyeello caafimaad oo dhinaca jirka.
Afurkaagu waa inuu ahaado cunto isku dheellitiran. Waxaa haboon inuu ahaado cuntooyin nafaqo leh iyo khudaar, muhiimna ma aha in raashin badan la cuno.
Cuntada badan waxay sababi karaan inuu adkaado dheef shiidka miisaankuna uu kordho.
3- Iska ilaali cuntooyinka saliidda lagu dubo, cunbadu ku badan tahay ama sokorta badan
Waa wax caadi iska ah in dadka markii ay afurayaan ay naftooda ugu raaxeeyaan raashinka lagu dubo saliidda kaligeed ah iyo kuwa ay heerka sokortoodu badan tahay ama dhanaanka dheeriga ah leh.
Laakiin xasuusnow in arrintaas ay ku caawineyso xilligaas aysa sii adkeyneyso soonka maalinta xigta.
Maalintaas oo dhan waxaad dareemeysaa caajis iyo culeys jirka ah.
4- Biyo aad u badan cab
Inaad cabto biyo badan intii karaankaaga ah waqtiga u dhaxeeya Afurka iyo Suxuurta waxay yareyneysaa inaad oon faro badan dareento marka aad maalintii sooman tahay.
Dadaal samee oo isku day inaad habeen walba cabto ugu yaraan siddeed galaas oo biyo ah. Cabitaannada waxaa ka mid noqon kara caanaha, khudaarta la shiido iyo wax kasta oo lagu oon bixi karo.
Waxaa haboon inaad yareyso cofee-ka iyo shaaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com