Qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas  xalay uu ka dhacay qarax bam gacmeed ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Qaraxa ayaa sida la sheegayo lagu weeraray maqaahi ku  taalla bartamaha magaalada Kismaayo gaar,ahaan xaafada Siinaay waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba ruux afar kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Amniga Jubland ayaa wada Hawgalo Amaanka ay ku xaqiijinayaan walow aysan jirin ilaa hadda cid loo soo qabtay qaraxii ka dhacay xalay Magaalada Kismaayo