Faah`faahin ayaa ka soobaxeeyso Diyaarado dagaal oo duqeeyay Sh/Hoose Iyo Jubbada Dhexe

Jubbada Dhexe :Duqeynta ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada kala ah Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegayaa in halkaas ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

wararka ayaa intaas kudarayo in deeganadaasi ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan al-shabaab waxana lasheegay in duqeeyn xoogan ee kafuliyeen diyaarado dagaal .

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta Koowaad ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey Xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen, sidoo kalena lagu dilay xubin kamid ah Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaanada duqeynta laga fuliyay ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen Jug Culus iyo guuxa diyaarado, isla markaana ay dareen Cabsi xoogan, sidoo kalena aysan sheegi Karin in dad shacab ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymahaas.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com