Faah Faahino ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan uu xalay ka dhacay .

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Hoyga uu kismaayo ka degan yahay Mas,uul ka Tirsan Maamulka Jubland ee lagu Magacaabo Maxamed Khlaaif islamarkana ah Agaasimaha Wasaarada kalluumeysiga Jubland  balse markii qarax uu dhacayay la sheegay in Guriga uu ka maqnaa.

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa in uu ahaa mid la diyaariyay si loogu wax yeelo mas,uulkaasi ka tirsan maamulka Jubland mana jirto ilaa hadda cid wax ku noqotay.

Dhinaca kale Maamulka Jubland wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin Haddii uu jiro waxyeelo uu sababay qaraxasi.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com