Faah Faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah Faahino aya ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka .

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur ay wateen Ciidamo ka Tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya   .

Wararka ayaa sheegaya in khasaare dhaawacyo ah uu ka dhashay Qaraxaasi Miino .

Ku dhawaad Afar Askari ayaa ku dhaacantay Qaraxa saakay ka dhacay Isgoyska Beexani ee degmada shibis Waxaana isla goobta Qaraxa uu ka dhacay gaaray Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo Halkaasi Hawlgalo ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca qarax kaas oo wax yeelo ay ka soo gaarto Dadka shacabka ah iyo Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya .

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com