Faah Faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb.
Deegaanka ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa waxaa lagu magacabaa sina-dhaqo taas oo dhacda duleedka caasimaada Galmudug.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Qaraxa uu dhawaqiisa laga maqlay deegaanada maamulka Galmudug.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari halka ay ku dhaawacmeen 10 askari.

baabuurka qaraxa haleelay ayaa waxa uu galbinayey Taliyaha ciidanka qeybta 21aad General Qooje.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com