Faah Faahino ka soo baxaya Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay Wadada 21 October una dhow xerada Afisyoone ee Magaalada  Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo lala beegsaday baabuur. Baabuurka ayaa la sheegay inuu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka Dawlada .

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xilli la qorshaynayo in uu shir uga furmo Muqdishu madaxda dawladda Federaalka , maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com