Faah Faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha Qarax xalay ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolkaan  Banaadir, kaas oo ka dhacay Maqaaxida Luul Yemani

 Qaraxa ayaa loo adeegsaday babuur Noha ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay  , waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ku dhawad 30 ruux ayaa qaraxaku geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay Gaadiidka gurmadka Deg adeg ah ee Ambalaaska

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska  Soomaaliya gaashaanle  Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in qarax ay ku dhinteen 10 qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 30 qof.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd meel mashquul ah oo Dad badan ay ku sugnaayeen xilliga qaraxa uu dhacayay

Ma aha markii Ugu horeysay ee la qarxiyo Maqaaxida Luul yemani eek u taala Degmada Xamar Jajab

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com