Faah faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay AMISOMoo isku dhican ah  iyo Al-shabaab

Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan Xalay saqdii dhexe weerar culus  ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin aga’gaarka Buundada Degmada Buurdhuubo halkaas oo uu ka dhashay Khasaare inkastoo aanan la  xaqiijin halka uu la eg yahay khasaaraha

Dagaalka oo muddo saacado ah socday ayaa markii dambe istaagay waxaana Malayshiyaadkii Dagaalka soo qaaday dib loogu riixay halkii ay ka yimaadeen sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Degmada Buurdhuubo.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab waxay sheegeen in Dagaalka lagu dilay saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Itoobiyaan ah oo ku wada sugnaa Saldhiga la weeraray

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com