Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa inayweerar ku Qaadeen diyaarad uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka soo raacay magaalada Dhuusamareeb.
Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in Xabado dhowr ah oo laga riday Qoriga loo yaqaano Suuga ay Alshabaab ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay.
Waxaa la sheegay in shaqaalada hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay Rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda.
“Hubkii lagu soo riday diyaaradda oo naguula sheegay sideed xabadood waa lala waayey Alle ayaa mahadleh, duuliyaha waxaa lagu wargeliyey inuu jiha kale u weecdo, khal-khal badan ayaan dareenay, balse waxaan si nabad ah ku imaanay Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii madaxweyne Qoor Qoor Dhuusamareeb ka soo raacay oo magaciisa ka gaabsaday.
Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com