Faah Faahino ka soo baxaya dagaaladii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal Culus  ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ,dagaalka ayaa markii hore ka bilowday  Nawaaxyiga  madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaalka ayaa ku baahay  isgoysyada KM-4 Shaqaalaha  Dabka, iyo Sayidka waxaana sidoo kale uu saameyn xooggan ku yeeshay   wadada Maka Al-Mukarama  oo gabi ahaanba xarumihii ganacsiga ee halkaas ku yaalay Albaabada laysugu laabay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay  in weerar lagu soo qaaday  gurigiisa oo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ugu tageen wadatashi, maadaama xaalaldda magaaladu ay aad u kacsan tahay.

Qoraal kooban oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame soo dhigay xalay Bartiisa Face Bugga ayaa u qornaa sidaan:

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaalkii xalay ka dhacay ka dhacay Muqdisho Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 10 ruux oo shacab ah iyadoo xaafadaha qaar ee Muqdisho Hoobiyaal lagu garaacay taas oo keentay in dadka ay ka barakacaan xaafadahooda .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com