Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe

Wararka Imaanaya Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in aroortii hore saakay uu dgal ka dhacay

Dagaalka ayaa ka dhacay Bar koontarool eek u taalay duleedka waqooyi ee degmada Balcad waxaana uu sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Alshabaab aya la sheegay in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen bartaasi koontarool Ciidanka Maamulka Degmada Balcad ee gobolka shabeelah Dhxe lacago ay uga qaadaan Gaadiidka.

Labada dhinac ayaa soo kala gaaray khasare inkasta oo  aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah e ka dhashay dagaalka .balse goob joogayaal ayaa warbahinta aragticusub u xaqiijiyay in ay arkayeen meydka Askari ka titrsan ciidanka maamulka degmada Balcad ee loo soo qaaday dhinaca xaruunta degmadaasi balcad iyo dhaawaca mid kale

Xiriiro aan la sameeyni maamulka degmada Balcad ayaanan noo suura gelin  si ay nooga war biyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com