Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal ka dhacay degaanka shidan ee gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Maleeshiyo hubaysan, ay saaka weerar ku qaaday degaanka Shidan ee waqooyiga gobolka Sanaag.

Maleeshiyada ayaa  lagu soo waramayaa in iska caabbin ay kala kulmeens hacabka  degaanka Shidan oo ka soo jeeda Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay 4 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iydoo aan weli xog laga helin dagaalkaas.

Degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag  waxaa in muddo ah ka taagnaa taagan colaad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Somaliland, taas oo ku salaysan muran dhul iyo macdan qodis.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com