Faah Faahino ka soo baxaya Bam gacmeed lagu Tuuray Fariisin Ciidan ee ku yaala Magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in xalay Bamgacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Dawlada ay ku le yihiin Xaafada Buundo

Sidoo kale ,Wararka ayaa sheegaya in qaraxa bamgacmeedka uu ka dhashay dhaawaca hal qof oo dumar ah  oo lagu dabiibayo xarun caafimaad ee ku  taala Magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale Meydka Alle ha u naxariisto Ugaas Xasan Ugaas KKhaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso khabuuro ku yaala degaanka Halgan ee duleedka Magaalada Baladweyne

Aaska Marxuumka ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan Odayaal , Waxgarad , Salaadiin iyo Ugaasyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com