Faah Faahino ka soo baxay Qarax Miino oo ka dhacay wadada u dhexeysa Carbiska iyo Afgooye

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya  Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Carbiska oo ku yaala Agagaarka dehmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska ee looyaqaan Haramcad.

Dhawr askari ayaa lagu soo waramayaa in  in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaartay, sida ay warbaahinta aragticusub u xaqiijiyeen goob joogayal ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidanka lala eegtay qaraxaas ayaa ahaa ilaalada injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ma  jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada  qaraxa balse Alshabaab ayaa  marar badan wadadasi ku qarxiyay shaqaalaha iyo Injineerada dhiseysa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com