Faah Faahino ka so baxaya Weerar Alshabaab ay ka geysteen Degaanka Buurane

Al-shabaab ayaa saaka  weeraray Ciidamo ku sugnaa bar-kantarool oo ku taal degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.

Al-shabaab ayaa sida la sheegay saacado kooban la wareegay kantaroolkaas waxaana ay ku dileen laba askari oo ilaalo ka ahaa kantaroolka degaanka Buurane.

Alshabaab ayaa markii dambe iskood uga baxay barta kantarool kadib saacado ay gacanta ku hayeen sida aan ka soo xiganay  Goob-joogayaal ku sugan degaanka.

Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay degmada Mahadaay iyo degaannada hoosyimaada .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com